Xasan Shiikh oo booqdey Jigjiga, cayaar dhaanto ahna ka qayb galey [Daawo]

Image

JIGJIGA- Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagey magalaada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida Ethiopia.

Booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa noqoneysa midii ugu horeysay uu ku tago is-maamul goboleedka Somalida ee Ethiopia tan iyo inta uu xilka qabtey.

 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar. 

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli mudooyinkii dambe isku dhacyo ku dhexmarayeen shacabka Somalida ee dagan degaanada ku dhow xuduudka Iyo ciidmada maamulkaas.

Xasan Shiikh oo magalaada Addis Ababa kaga soo qayb galey kulankii madaxda IGAD ayaa magalaada Jigjiga oo caan ku ah cayaarta dhaantada xaflad halkaas loogu qabtey.

Safarka Madaxwyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale ku soo beegmey xilli ka filayo in doorasho ka dhacdo Somaliya iyadoo dadka Siyasada u dhuundaloola sheegayan in xiriir la leedahay ololihiisa siyaasdeed.

HALKAAN KA DAAWO MADAXWEYNE XASAN OO DHAANTO CAYAARAYA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM