Xasan Shiikh oo laga gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo

Image

13 August, 2015 (GO)- Xildhibano ka tirsan Barlamanka dowlada Federaalka ayaa maalintii shaley 12 August, 2015 u gudbiyye gudoonka aqalka wakiilada mooshin ka dhan madaxweyne Xasan Shiikh.

Mooshinkaan oo ay gudbiyeen xildhibaano gaaraya 115 ayaa qeexaya in madaxweynaha lagu sameeyo xil ka qaadis kadib markii uu sameeyey khiyaamo qaran waa sida ay ku muujiyeen qoraal ka koban sagaal bog oo ay gudbiyeen.

Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Somalia ayaa sharciga waxaa uu qabaa iney gudbin karaan xildhibaano gaaraya 92 xubnood.

Dhaqdhaqaaqa mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowlada federaalka ah ayaa ka bilowdey magaalada Muqdishu maalmo kadib markii madaxda sare ee dalka cadeeyeen in wadanka aysan 2016 ka dhici karin doorashooyin madaxbanaan taasoo guux ku abuurtey xildhibanada Barlamanka.

Lama oga cidda dabada ka riixeysa mooshinkaan xildhibaanada u gudbiyeen gudoonka sare ee barlamanka balse warar warsidaha Garowe online helayo ayaa sheegaya iney jiraan siyaasiyiin aaminsan in madaxweyne Xasan Shiikh xilka laga qaado inta aan la garain 2016. Siyaasiyiintaan oo qaar ka tirsan kamid yihiin xildhibaanada ayaa aaminsan in kororsi Barlamanka Federaalka ah sameeyo balse madaxda sare xilka laga qaado kadibna la doorto madaxweyne cusub iyo xukuumadiisa.

Dhinaca kale Barlamanka Federaalka ayaa mooshino uu horey u keeney waxaa ay ku dhamaadeen kuwa dowlada lacago badan ku bixiso kadibna gaari waayey ujeedadii laga lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa mooshinkaan cusub waxaa uu ku noqanayaa loolan cusub oo siyaasdeed kaasoo waxyeelo u gaysan doona qorshihiisa siyaasdeed ee ku aadan doorashooyinka aan la garaneyn qaabka ay u dhacayaan sanadka 2016.

Hoos ka ka akhri mooshinka xildhibaanada ka keeneen madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia;

GAROWEONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM