Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho oo laga mamnuucay Garoonka Cadaado

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa xayiraad kusoo rogay Garoonka Diyaaradaha magaaladda Cadaado, xilli Khilaafka Madaxda sare ee maamulkaasi cirka isku sii shareerayo.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf, ayaa Garoonka Cadaado looga mamnuucay in ay ka degaan Diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqidsho, taasi oo isla saaka dhaqan-gashay.

Hay’adaha ay ku socoto warqadan ayaa la faray in ay u hoggaansamaan fulinta amarka Madaxweynaha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Shirkadaha Gaarka loo leeyahay.

Amarkan cusub ayaa Xildhibaano katirsan Galmudug waxay sheegeen uu sii hurin karto mowjadaha siyaasadeed ee hada ka taagan Galmudug, taasi oo ka dhalatay Taageeradii Xaaf ee Xulufada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM