Xayiraad lagu soo rogay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Afhayeenka baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu xayiraad kusoo rogay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaas, Cabdullaahi Axmed Calasow.

War qoraal ah kuna taariikheysan 12-ka October, 2020 kana soo baxdey xafiiska Gacal ayaa Mr Calasow ku eedeeyay "falal liddi ku ah" hab-sami u socodka fadhiyada Aqalka iyo "jawr-falka" waqtiga kulamadda xeer-dejinta.

Sidda ku xusan bayaankan uu warsidaha Garowe Online ka xaqiijiyey dhowr illo wareedyo ay mas'uuliyiin ku jiraan, Calasow ayaa sidoo kale waxaa lagu haystaa eed ah "ka gaabista waajibaadkii ay u dhaarteen Xildhibaanadda".

Gudoomiye Gacal ayaa amray in mushaharka laga joojiyo sharci-dejiyaha iyo in uusan kasoo qeybgeli karin dhamaan kulamadda nagu soo fool leh.

Mr Calasow ayaan wali ka jawaabin go'aanka Calasow. Warsidaha GO wuxuu sameeyay isku-dayo uu ku doonayey in uu ku haleelo Xildhibaanka.

Xilli talaabadan ay tahay mid dab kusii shideysa, go'aankan ayaa wuxuu u muuqda in uu yahay max-suulka is-qabqabsi iyo xifaaltan siyaasadeed kaasoo bilooyinkii lasoo dhaafay daaha gedaashiisa ku dhexmarayay Gacal iyo Calasow.

Labada mas'uul ayaa bishii Janaayo, 2020 waxay ku baratameen kursiga afhayeenka Golaha Wakiiladda Galmudug. Gacal waxaa gedaal ka riixeysay Villa Soomaaliya, halka Calasow ay wadatay Ahlu Sunna Waljameeca.

Warar hal ilo wareed laga helay ayaa tibaaxaya in Calasow uu kamid yahay koox Xildhibaano ah kuwaasoo bilooyinkii u dambeeyay waday olole ay ku diyaarinayaan mooshin ay jagada uga xayuubiyaan gudoomiye Gacal.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa ka hayaamay caasimada Dhuusamareeb ka gedaal markii looga awood-roonaadey dagaal siyaasadeed ee dowlada la galeen.

Sikastay ahaato, go'aanka uu qaatay Gacal ayaa laga cabsi qabaa in uu fure u noqdo xiisad siyaasadeed oo ka dilaacda Galmudug taasoo caqabad ku noqon karta u diyaar-garowga doorashooyinka qaranka ee sanadka 2020-21-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM