​Xeer ilaaliye lagu dhaawacay Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia- Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Cornel. Cabdullaahi Xuseen Maxa'ed (Mayoonge), ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dablay hubaysan oo aan haybtooda la garan karin islamarkaana watay baabuur ayaa Mayoonge ku weeraray goob u dhow saldhiga Booliisku ku leeyihiin degmada War-dhiiglay ee gobolka Banaadir.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay Darawalkii Xeer ilaaliyaha.

Mas'uuliyiin katirsan maxkamadda ayaa sheegay inay ka xunyihiin falkaasi iyagoo sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida falkaasi u dhacay.

Dablaydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse kooxda Al Shabaab ayaa horey looga bartay weerarada noocan ah, ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Maxkmadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa qaada xukunno kala duwan kuwaasoo lagu maxkamadeeyo rag katirsan Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM