​Xeer ilaaliye lagu dhaawacay Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia- Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia Cornel. Cabdullaahi Xuseen Maxa'ed (Mayoonge), ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Dablay hubaysan oo aan haybtooda la garan karin islamarkaana watay baabuur ayaa Mayoonge ku weeraray goob u dhow saldhiga Booliisku ku leeyihiin degmada War-dhiiglay ee gobolka Banaadir.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay Darawalkii Xeer ilaaliyaha.

Mas'uuliyiin katirsan maxkamadda ayaa sheegay inay ka xunyihiin falkaasi iyagoo sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida falkaasi u dhacay.

Dablaydii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse kooxda Al Shabaab ayaa horey looga bartay weerarada noocan ah, ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Maxkmadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa qaada xukunno kala duwan kuwaasoo lagu maxkamadeeyo rag katirsan Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM