Xi Jinping oo balanqaad u sameeyay Farmaajo

Image

BEIJING, China – Madaxweynaha wadanka Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhigiisa Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kala shaqeeyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada waddan.

Sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda China, Xi ayaa ka dhawaajiyey in iskaashigaas ay marsiin doonan barnaamijka ay ku maalgashadan dalalka ay danaha ka leeyihiin ee Belt and Road Initiative.

Xi ayaa, sidda ay Isniinta maanta ah daabacdey Xinhua News Agency, rumeysan in talaabadaas ay kawada faa'iidi doonan shacabka labadda waddan.

Dhawaqan ayuu Xi kaga dhawaajiyey fariimo ay is-dhaafsadeen dhigiisa Soomaaliya. Dhambaaladaas waxaa loogu dabaaldegayey 60-sano guurada kasoo wareegatay markii ay labada dal yeesheen xiriir diblumaasiyadeed.

China ayaa kamid ah dowladaha sidda weyn u garab taagan xukuumadda haatan jirta ee Soomaaliya, isagoo ka saxiixdey heshiis u ogolaanaya ganacsatadiisa in ay jilaabtaan kaluunka tuunaha wallow uu muran ka taagan yahay.

Xukuumadda Beijing ayaa sanadihii u dambeysay waxay xoojisay galaagankeeda qaaradda Afrika si gaar ah Soomaaliya iyadda oo ka hortageysa is-balaarinta Mareykanka iyo Ruushka kuwaasoo loolan uu kala dhaxeeyo.

Muqdisho oo u muuqata mid ku jahwareersan loolanka juquraafi siyaasadeed ayaa khilaafkii Khaliijka la safatay Qadar, wallow dhexdhexaadnimo sheegatay, haddana talaabooyinka ay qaadey waxay u jaranjeereen dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM