Xiisad ka taagan Kismaayo iyo ciidan xiray wadooyinka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiisad iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in malleeshiyaad taabacsan Xildhibaan Axned Taajir, oo dhawaan uu xiray maamulka Jubbaland ay saaka xireen wadooyinka waaweyn.

Malleeshiyaadka ayaa iskuu geedaamay Xarunta Nabad Sugida Jubbaland, gaar ahaan Dabaqa Fiat oo uu ku xiran yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan [Axmed Taajir].

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonto xaaladda kacsan ee hadda ka jirta Kismaayo, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inuu dagaal dhaco.

Maalmo kadib markii xabsiga la dhigay Xildhibaan Axmed Taajir, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, taasi oo lagu micneeyay inuu doonayo in Xildhibaanka lasoo taago Maxkamad.

Axmed Taajir oo xasaanada laga qaadey Todobaadkii tagey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu maleegayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM