Xiisad u dhaxaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka taagan Caabudwaaq

Image

CAABUDWAAQ, Somalia- Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ka taagan magaalada Caabudwaaq, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmo kahor ka dhacay dagaal beeleed.

Wararka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan, oo dadka deegaanka ka qabaan dagaal dhexmara ciidamado cusub oo ay Alhu Sunna iyo Galmudug geeyeen degmadaasi.

Odayaasha ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna iyo Galmudug inay ciidanka kala baxaan Caabudwaaq, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca degmada.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa isku haya maamulka Caabudwaaq, waxaana labada dhinac geeyeen magaalada ciidamo horleh, oo dhaliyay xiisada dagaal, iyadoo horey u jireen colaad kale oo beelo dhexmartay.

Ahlu Sunna ayaa maamusha degmooyin iyo deegaanno dhowr ah, oo ku yaalla gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ay kamid tahay magaalada Dhuusamareeb, oo xarun ugu magacaaban Maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM