Xiisadda magaaladda Guriceel oo isku rogtay gacan ka hadal

Image
Isku-dhacan ayaa ah natiijadda abaabulan ciidan oo todobaadyadii u dambeeyay socday.

GURICEEL, Galmudug - Xiisada maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel ayaa saaka waxay isku rogtay gacan ka hadal, sida ay sheegeen laba illo wareedyo ku sugan degmadda.

Wariyeyaasha oo soo wariyey in dagaalka uu ka qarxay koonfurta magaaladda ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac balse aan la hubin tiradda saxda ah.

Waxyeeladda soo gaari karta dadweynaha ayaa lagu waramay in ay kooban tahay maadaama inta badan dadka ay ka qaxeen halkaas todobaadyo kahor ayaga oo ka cabsi qaba iska hor-imaad.

Isku-dhacan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadda dowladda iyo kuwa Galmudug oo is-kaashanaya ay xalay galeen qeyb kamid ah Guriceel halkaasoo ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaq.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Ahlu Sunna ay xalay ka baxeen saldhiga booliska Guriceel oo ay la wareegeen bishii hore kadib markii ay degaanka kusoo laabtaan laba sano o ay moogeen.

Guriceel ayaa noqotay furin cusub oo majaxaabin karta geedi-socodka doorashooyinka heer federaal Soomaaliya ee sida weyn dib-ugu-dhacay maadaama qodobada lagu isku hayo ay siyaasad yihiin.

Ahlu Sunna ayaa xudun u ah xasaradan qarka u saaran in ay isku rogto dagaal dhiig ku daato xilli ay shuruudo ay la timid dartood u burbureen wadahadalo lala furay kooxda.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in wadaadadu u socdaan in ay gorgortanka ku helaan kuraas heer federal ah. Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in shuruudan ay ku metelayaan siyaasiyiin.

Dhinacyada lala xiriirinayo waxaa kamid ah madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo. Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale waxaa la sheegay in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan coddeynta Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM