Xijaar oo madax looga dhigay guddiga amniga doorashooyinka 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa madax looga dhigay guddiga ammaanka doorashooyinka lagu waddo in ay waddanka ka dhacaan dhamaadka 2020 iyo horaanta sanadka 2021.

Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay in uu ka shaqeeyo sidii ay qaab nabdoon ugu dhici lahayd coddeynta baarlamaanka iyo madaxtinimadda.

Isagoo ka shidaal-qaadanaya waqtiga yar ee u haray, Xijaar ayaa bilaabay socdaalo uu ku marayo xarumaha ay dowlad goboleedyadda u asteeyeen in ay ka qabsoomaan soo xulista mudaneyaasha xeer-dejinta 10aad.

Xijaar oo jagada taliyaha bileyska loo magacaabay 22-kii August, 2019 ayaa Sabtidii todobaadkan lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo qeybta Puntland, isagoo uga sii talaabaya Garowe, sidda uu shaaca ka dhigay xafiiskiisa.

Nabad-gelyadda ayaa haatan kamid ah qodobada hortainta u leh doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya maadaama ay hogaamiyeyaasha ka heshiiyeen siyaasadda, wallow dhaqan-gelinta ay wali madmadow ku jirto.

Al-Shabaab oo xagaagan uruursatay dhaqaale badan ayaa ah baqdinta ugu weyn eek u geedaaman coddeynta iyaddoo walaaca wehliya uu yahay in maleyshiyadda ay kasoo dhex-dusto murashaxna ay la timaado.

Sidda uu sheegay Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, xulafada Al-Qaacida ayaa bilowday in ay magaalooyinka ka daad-gureyso odayaasha "si ay saameyn ugu yeelato go'aanadooda".

Villa Soomaaliya ayaa rumeysan in nidaamka 4.5 ee awood qeybsiga beelaha uu Al-Shabaab u sahlayo in ay farageliso coddeynta loo madalsan yahay.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu liijaanka u hayo Farmaajo ayaa ku guuldareystay in ay dalka gaarsiiso qof iyo cod, taasoo sabab u ah in afar sano kadib aysan dadweynaha awood u lahayn in ay doortaan hogaamiyeyaashooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM