Xil ka qaadistii Cali Yare oo hadal hayn ka dhalatay

Image
Si kastaba ha ahaatee, waxaa u bilaabatay sanado uu dibada ka joogayo nidaamka dowladnimada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo intii madaxweynenimada dalka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay dad hubeen in mar uun xilka laga qaadi doono Cali Cabdi Wardheere oo ka mid ahaa dadkii ugu codka dheeraa kuwa ay siyaasadda ku kala aragti duwanaayeen Xasan Sheekh, balse keliya waqtiga xil ka qaadista ayaanan la ogeyn.

Cali oo ah dadka aadka ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa isaga oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga Banaadir ayuu si joogto ah lixdii bilood ee lasoo dhaafay u faafinayay aragtiyadiisa, kuwaasi oo qaarkood uu ka dhalanayay muran badan.

Ugu dambeyntii shalay ayaa xilkiisii loo magacaabay nin kale oo ay Cali isku heeb yihiin, waxaana ka dhalatay hadal hayn. Dadka qaar oo isticmaala baraha bulshada ayaa tilmaamay ama ku kaftamay in xil ka qaadista lagu soo beegay xilli la daawanayay ciyaartii ugu horeysey ee Koobka Adduunka, si hadal haynta Koobka Qatar2022 ay u shiiqiso tan Cali Yare oo la rumeysanyahay in uu saamayn badan ku leeyahay taageerayaasha Farmaajo ee Baraha Bulshada.

Cali Yare laftiisa ayaa Facebookiiga soo dhigay qoraal uu sheegay in uu qorey lix bil ka hor oo uu ugu hambalyeynayo qofka isaga badeli lahaa, taas oo ka dhigan in uu markasta filanayay in xilka laga qaadi doono.

Cali ayay dhowaan soo foogsaartay musiibo qoys kadib markii walaalkiis ka yar uu ku dhintay qarixii ka dhacay Soobbe, balse waxaa si weyn loogu ammaanay kaalintii uu ka qaatay gurmadkii dadkii qaraxa wax ku noqday.

Maalmihii ugu dambeeyay ee xil hayntiisa ayuu si weyn ugu ololeynayay in Amniga Muqdisho lagu wareejiyo Maamulka Banaadir, inkasta oo uusan arrintaasi suurtogalin xilligii uu dalka madaxweynaha ka ahaa saaxiibkiis Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee waxaa u bilaabatay sanado uu dibada ka joogayo nidaamka dowladnimada, balse wuxuu sii ahaan doonaa cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM