Xildhibaan caan ahaa oo Muqdisho ku geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa caawa Muqdisho ku geeriyoodey mid kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi [Duurey].

Xildhibaanka oo Sadexdii maalin ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa galabta la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo uu ku dhintay intii lagu hayey daweynta abaare 09:30Pm ee Habeenimo.

Allah ha u naxariistee marxuum Khaliif Sheekh Cabdullaahi ayaa ahaa Xildhibaan laga soo doortey maamulka Koonfur Galbeed, mana la shaacin wali nooca xanuunka uu u geeriyooday.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madax kale oo katirsan labada golle ee dowladda ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka, waxayna ALLAH uga baryeen inuu geliyo jannadiisa firdowsa.

Waxaa lagu wadaa in Meydka Xildhibaanka aas qaran loo sameeyay maalinta berri ah, waxaana geeridiisa kusoo aadaysaa xilli la filayo in Gollaha Shacabka ay Isniinta doortaan Gudoomiye cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM