Xildhibaan Coonka: "mooshin banaanka laga keenay aqbali mayno"

Image

November 15, 2014 (GO)- Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa faah faahiyey sababta keentay inay mooshinkaas ka hor yimaadaan.

Xildhibaanka oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in mooshinkaasi sharci ahayn maadaama aanu ka imaan baarlamaanka dhexdiisa haseyeeshee dibadda laga soo abaabulay.

"mooshinka waxaa asaaskiisa ah inuu ka bilowdo golaha gudihii, mooshinkaan waa mooshin banaanka laga soo abaabuley, anaguna raali kama noqon karno wax banaanka ka yimid..." ayuu yiri

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas raaciyey inaysan ka tanaasuli doonin mowqifkooda isagoo xusay in taas micnaheeduna ahayn inay cid ku colaadinayaan balse afkaarta lagu kala duwanaan karo.

Dhanka kale Xildhibaan Coonku wuxuu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu dhex dhexaadiyo labada garab ee xildhibaannada islamarkaana dhinac kasta laga codsaday inuu keeno 11 xildhibaan oo metela, haseyeeshee qorshahaas xildhibaannada mooshinka keenay kasoo horjeesteen.

Fadhigii baarlamaanka ayaa mar kale maanta buuq iyo sawaxan kusoo idlaaday, kadib markii xildhibaanada mooshinka diidani kulanka fawdeeyeen iyagoo fursad siin diidey guddoonka baarlamaanka oo qaybin lahaa mooshinka laga keenay xukuumadda si maalmaha soo socda ka doodistiisa loo bilaabo kadibna codka kalsoonida loogu qaado.

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM