​Xildhibaan Juriile oo beeniyay inuu isu-sharaxay Guddoonka Aqalka Sare Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa dhawaan lagu wadaa in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ay doortaan Guddoonkooda iyadoo todobaadkan  iska dhex xulay Xubno qaban qaabin doonta doorashada.

Xilli howshaasi socoto, ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan awood qaybsiga cidda noqonaysa Guddoonka Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana warbaahinta qaybtood daabacday inuu booskan raadinayo mudane kasoo jeeda deegaanada Puntland oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Juriile.

Prof. Juriile, ayaase wararkaas beeniyay isagoo sheegay inaysan waxba ka jira howlaha la isla dhexmarayo, wuxuuna meesha ka saaray in booskan u taaganyahay ruux kasoo jeeda beesha Daarood.

‘’Waxaa la ii sheegay in warbaahinta qaarkeed qortay in beesha Daarood shirtay, ayna go’aansatay in ay raadsadaan guddoomiyaha aqalka sare, Aniggana leysku afgartay in aan isku soo taago xilkaas, warkaasi waa been, waana waxba kama jirin, shirna ma dhicin cid arintaa isaga timidna ma jirto,’’ ayuu yiri Jurile.

Xildhibaanka, ayaa intaas ku daray in awood qaybsi ahaan xilka ugu sareeya Aqalka Sare iska leeyihiin mudanayaasha ka yimid gobollada Waqooyi islamarkaana gudbisan karaan araajidooda.

‘’Sida qorshuhu yahay guddoomiyaha aqalka sare waxaa isku soo taagi kara oo kaliya xubnaha ka soo jeeda beellaha Gobollada Waqooyi oo la filayo in ay araajidooda u gudbiyaan gudiga qabanqaabada doorashada,’’ Ayuu hadalkiisa kusii daray Mudane Juriile.

Waa markii ugu horaysa taariikhda Somalia ay yeelato gole Aqal Sare iyadoo ay horay u jiri jireen Aqalka hoose oo kaliya, waana tan keentay in tuhun la galiyo cidda hogaamin doonta Afarta Sano ee soo socota.

Arrintan, ayaa kusoo aday xilli la filayo in 22 January ay dhacdo doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM