Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo Muqdishu lagu diley

Image

MUQDISHU 18 April,2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Puntland toogasho lagu diley.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) ayaa xilligii la dilayey gaari saarnaa wuxuuna ku sugnaa meel aan ka fogeyn isbitaalka hore ee loo aqoon jirey Digfeer hadase ay maamulaan Turkiga.

Aaadan Yare oo maalmihii u dambeeyey Muqdisho ku sugnaa ayaa la sheegey in uu isbitaalkaas gaynayey xaaskiisa oo xanuunsan.

Kooxaha dableyda oo toogtey xildhibaanka ayaa la sheegey iney ka baxsadeen goobtaas.

Warar dheeraad ah kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM