Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka DFS oo Muqdisho lagu diley

Image


February 9, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Federaalka ayaa goor dhow lagu diley degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Cabdulaahi Qayaad Barre, waxaa toogtey dabley hubeysan oo gaari watey xilli uu kusoo jeedey xarunta barlamanka.

Dilalka qorsheysan ee loo adeegsado gawaarida ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 shan xildhibaan qaabkan oo kale Muqdisho loogu khaarijiyey.

Dilka Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee sanadkan 2014 Muqdisho loogu geysto xildhibaan ka tisan barlamanka, wuxuuna kusoo aadayaa xilli maanta codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Mas'uuliyadda dilka xildhibaan Qayaad waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM