Xildhibaan ku baaqay in Farmaajo iyo Khayre is-casilaan [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Mudane kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay inay is-casilaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Xasan Cali Khayre maadama sida uu hadalka u dhigay ay ku fashilmeen hogaaminta dalka.

Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare, ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhi Barlamanka Soomaaliya Arbacadii shalay ahayd ku yeesheen Muqdisho, wuxuu ku dhaleeceeyay siyaasadda hogaanka ugu saraysa dowladda isagoo tilmaamay inay soo bandhigeen maamul jilicsan.

Dhaqane, wuxuu difaacay taliyaashii xilka laga qaaday ee Booliiska iyo Nabad Sugidda isagoo tilmaamay inay ahaayeen rag shaqadooda kasoo baxayay. Sidoo kale xildhibaankan ayaa aaminsan in mas'uul xil laga qaado aysan waxba ka badali doonin xaaladda waddanka.

Isagoo ka hadlayay amniga wuxuu xusay in madaxda dowladda Federaalka ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan, wuxuuna ku eedeeyay inay lacago ku bixinayaan bur-burinta maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

Axmed Cismaan Dhaqane ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay shakhsi kasoo horjeeda nidaamka Federaalka sidoo kale ku xiran qol.

Mudanahan oo hadalkiisa ku koobay dhaleecaynta madaxda ugu saraysa dowladda ayaa carrabka ku dhuftay dalku uu ka dagi la'yahay Khayre iyo Farmaajo.

Eedayntan waxaa bar-bar socotay difaacis ay samaynayeen Xildhibaanda taageersan dowladda.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli madaxda DFS iyo maamul goboleedyadu shir uga socdo Muqdisho kaasoo looga hadlayo amniga, dagaalka Al Shabaab iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. Halkan ka Daawo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM