Xildhibaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Guriceel

Image
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii boolisku xabsiga dhegeen askar amar diido sameysay.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xildhibaan Xasan Xirsi Xaashi, gudoomiyaha guddiga amniga Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhaawacmay dagaal Axada maanta ah degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dhexmay ciidanka Booliska iyo ciidanka Turkigu tababaray ee Gorgor oo dhawaan dowladda gaysay halkaas si ay uga qayb qaataan dagaalka ah Ururka Ahlu Sunna.

Dagaalka Xildhibaanka ku dhaawacmay ku socday ku dhawaad saacad ayaa dhaliyay khasaare iskugu jira dhamasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah ee ku sugan guddaha magaaladda sida ay goobjoogaal u xaqiijiyeen Garowe Online.

“Inta aan ogahay labo ruux oo shacab ah ayaa dagaalka ku dhimatay oo wiil iyo gabar dhaqtarad ah iyo dhaawaca 6 kale oo xildhibaanku ku jiro” sidaas waxaa Garowe Online u sheegay sarkaal oo ku sugan Guriceel.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii boolisku xabsiga dhegeen askar diiday in ay hoggaansamaan amar ka soo baxay taliska booliska oo lagu mamnuucay in habeen magaaladda Hub lagu qaato ka dib markii ay soo bateen falalka dhaca ah ee ay gaystaan ciidanka Milatariga ah.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo u tacsiyeeyay ehelada dagaalka ku waayay dadkooda ayaa sheegay “Ciidamada Gorgor ee dagaalka ka qayb qaatay ay ahaayeen kuwii Qoorqoor u adeegsaday dagaalkii ASWJ ee Muqdisho laga daabulay”.

“Waa ayaandarro weyn in ciidamadii shacabka badbaadin lahaa oo ka hortagi lahaa falalka xasiloonidarrada ah iyo la dagaalanka argagixisada ay ayagii si joogto ah u dagaalamayaan, taasoo muujinaysa hogaan xumada iyo aragti la’aanta meeshaas ka jirta” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Dadka reer Galmudug ayuu ugu baaqay in ay magdhow waydiistaan madaxweyne Qoorqoor “oo sabab u ahaa keenista ciidamadaas aan anshaxa lahayn ee deegaanada Galmudug” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Fiqi oo ka mid ah mucaaradka sida wayn u naqdiya madaxweyne Qoor Qoor.

4 bishaan ayay ahayd markii sidaan oo kale dagaal magaaladda Caasimadda u ah maamulka ee Dhuusamareeb uu ka dhacay dagaal u dhexeeya booliska iyo ciidanka Gorgor ka dib markii askari cabsan uu rasaas u furay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM