Xildhibaan lagu dhaawacay Muqdisho iyo xildhibaan hore oo la diley

Image

December 4, 2014 (GO)- Weerar barqanimadii maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa lagu diley mas'uul horay uga tirsanaan jirey baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabi jirey Liibaan Cabdulaahi Nuur  islamarkaana lagu dhaawacay xildhibaan kamid ah baarlamaanka hadda oo isagana lagu magacaabo Mayow Mustaf.

Weerarka waxaa fuliyey dabley hubeysan oo watey gaari yar kuwaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday. Rasaas qaddar kooban socotey ayaa dhex martay kooxdii weerarka geysatay iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda oo baacsaday.

Afar kamid ah ciidamada nabad-sugidda ayaa lagu soo waramayaa inay iska hor imaadkaas ku dhaawacmeen iyadoon lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo kooxdii weerarka geysatay.

Dhanka kale af-hayeenka hawgallada Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu ka dambeeyeen.

Weerarka ayaa dhacay waxyar kadib markii ay Muqdisho soo gaareen wafdi ka socda Jaamacadda Carabta.

Al-shabaab ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey kordhisey qaraxyada iyo weerarrada tooska ah ee Muqdisho ka geysanayo.

Afar qof ayaa ku dhintay ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo Al-shabaab shalay la beegsatay kolonyo ka tirsan gaadiidka Qaramada Midoobay oo marayey meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM