Xildhibaan lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed, oo kamid ahaa Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxaa dilay Askar ilaalo u ahayd Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka katirsan, kadib markii ay rasaas ku fureen guurigiisa xilli uu marayay meel ku dhaw Isgoyska Sayidka.

Ciidamada dilay Marxuum Maxamed waxay ilaalo u yihiin Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo kamid ah xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Xildhibaanka geeriyooday uu ku dhawaaday Gaariga kale ee Maxamuud Abukaate oo dusha ka saarnaayeen Askar Ilaalo u ah, kuwaasi oo markii ay ka shakiyeen rasaas ku furay, taasi oo uu ku dhintay.

Ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa goobta gaarey, oo meydka Xildhibaanka qaadey. Lama oga in gacanta lagu dhigay Askarta dilka geysatay iyo in kale, balse waxaa socda sheegeen baaritaan.

Wixii kusoo kordha warkan dib kala soco Garowe Online

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM