​Xildhibaan lagu dilay weerarkii Hotel Naaso-hablood Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay weerar kooxda Al Shabaab galinkii dambe ee Shalay ay ku qaadeen  hotel Naaso-hablood ee magaalada Muqdishu,w axaana ku geeriyooday in kabadan 15 qof.

Dadka dhintay, waxaa kamid ahaa Xildhibaan AHN Burci Maxamed Xamse, waxaana geeridiisa xaqiijiyay wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Federalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka.

AHN Burci wuxuu xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Sidoo kale wuxuu horay u soo noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada, wuxuuna kamid noqonayaa labo Xildhibaan oo isla bishan gudaheeda lagu dilay Muqdishu kuwaasi oo ku dhintay weerarka Ambasador.

Weerarka oo qaraxyo loo adeegsada ayaa waxaa ku dhaawacmay in kabadan 20 qof.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dableyda hubeysan ee gashay Hotelka ay ahaayeen saddex ruux iyo nin watay gaari oo isku qarxiyay banaanka hotelka kaasoo baabuur watay.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin dad gudaha Hotelka lagu dilay, isla markaana Ciidamada Ammaanka ay soo afjareen howl galka abaarihii afurka.

Dhinaca kale waxaa dhacdadaasi ka hadashay, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyadoo falkaasi ku tilmaamtay inay tahay wax laga xumaado weerarrada joogtada ah ee lala beegsanayo hotellada ku yaalla caasumadda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Michael Keating, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in weerarka ku dhinteen 20 qof oo ay ku jiraan 4 isku qoys kasoo jeeda, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii dhacadadaasi ku waxyeelloobay.

Weerarada Hotellada Muqdishu, ayaa soo noq noqday waxaana muuqata inaysan jirin nidaam dowladda Soomaliya ugu talo gashay in lagu ilaaliyo maadama dhammaan loo weeraray qaab isku mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM