Xildhibaan lagu diley Muqdisho, Ra'isal wasaaraha oo tacsi direy

Image

July 24,2015 (GO)- Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa galabta lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaliya.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xuseen Maxamud ayaa wararku sheegayan inuu geeriyooday kadib markii dabley hubeysan toogteen islamarkaana ka baxsadeen goobta. 

Cabdulahi Xuseen Maxamud oo  dhowaan lagu bedelay aabihii Xuseen Baantuu kadib markii uu u geeryoodey xanuun bishii April ee sanadkan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya ciidamada ammaanka mar danbe meesha soo gaareen kuwasoo bilaabay howl galo lagu raadinayo kooxda dilka gaysatay.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid ayaa tacsi u direy qoyska marxuum Saciid Cali Saalax oo maanta dabley hubeysan ku dishey xaafada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaan alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Dilka Xildhibaanka iyo sarkaalka ka tirsan xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa kusoo beegmaya asbuucyo kadib markii ay hakad galeen weerarada ururka Al-shabaab u gaysanayeen saraakiisha dowlada iyo goobaha la isugu yimaado magalaada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM