Shuuriye: anagu waxaan rabnaa inaan la hadallo cidaan eedaynay"

Image

09 September, 2015(GO)- Xildhibaan Maxamed Ismacil Shuriye oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal lagu xalliyo arrimaha lagu kala aragti duawanyahay ee la xiriira mooshinka is khilaafsan ee loo gudbiyay guddoonka Barlamanka

Shuuriye oo gudoomiye looga dhigay guddi ay iska soo xuleen xildhibanada wada moshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh ayaa sheegay kulan ka dhacay Muqdisho inay isla garteen xalka inuu yahay wada hadal maadaama dalka uu marayo xaalad adag.

Waxa uu sheegay in badankood isku waafaqeen arintaasi oo micnaheedu ahayn in la laalay gabi ahaanba mooshinka balse doonayaan in laga wada hadlo waxyaabaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha iyo waxa lagu kala aragti duwanyahay.

Arrintan ayuu xildhibaan Shuuriye sheegay inay ka wada hadlayaan Madaxweynaha ama cidda uu soo wakiisho.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku baaqey in la wada hadlo sida uu tilmaamey xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, waxayna ku soo aadeysaa xilli guddoonka Barlamanka Somalia loo gudbiyay labo mooshin oo midna lagu taageersanyahay madaxweynaha Somalia iyo mid lagu dhaliilayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM