Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed oo Mombasa ku geeriyoodey

Image

February 12, 2015 (GO)- Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed (Cabdi Yare) oo ka tirsanaa barlamanka federaalka ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Xildhibaanka  ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa.

Xaaji Cabdi Yare oo muddo dheer kusoo jirey barlamanka kana soo galay gobolka Jubada Hoose wuxuu horay usoo noqdey duqa degmada Kismaayo.

Waa xildhibaankii saddexaad ee ka tirsan barlamanka Dowlada Federaalka ee geeriyooda intii lagu guda jirey sanadkan cusub ee 2015.

January 25, 2015 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade. Sidoo kale, February 9, 2015 waxaa isla magaalada Muqdisho lagu toogtey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre.

Tirakoob dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaadey in wadarta guud ee xildhibaanada ka tirsanaa barlamanka Somalia ee geeriyoodey tan iyo sanadkii 2004 ay tahay 81 xildhibaan.

Xildhibaanadaas ayaa u badan kuwo si dabiici ah u dhintey waxaase ku jira qaar kale oo lagu diley qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM