Xildhibaan Xidig oo shirka Kismaayo soo dhoweeyey

Image

Arbaco, Sept 17, 2014 (Garowe Online)- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya kasoo gala Goballada Jubbooyinka ayaa soo dhoweeyey shirka nabadda ee Kismaayo ka socda.

Xidig oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay in shirka ujeedadiisu tahay sidii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan beelaha Jubbooyinka iyo Gado dega iyo waliba sidii looga wada shaqayn lahaa hormarka, nabadgalyadda iyo dowladnimada.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey inaysan jirin dhibaatooyin muuqda oo dadkaasi kala tabanayaan balse ay muhiim noqotay in laysa soo horfariisto oo danaha guud iyo kuwa gaarka ah laga wada hadlo.

Madaxwaynaha Mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo shalay khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ilaa heer tuulo uu gaari doono shirkan nabadaynta ah ayna ka go'an tahay sidii danta shacabka looga wada shaqayn lahaa.

Shirka oo socon doona muddo soddon maalmood ah ayaa galay maalinkii labaad xilli ammaanka magaalada Kismaayana si weyn loo adkeeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM