Xildhibaanada Aqalka Sare oo Guddiyo ansixiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo ay uga hadlayeen arrimo dhowr ah kusaabsan howl-maalmeedkooda. 

Fadhiga mudanayaasha ayay ku ansixiyeen guddiyo KMG ah oo ka shaqayn doona howlaha Xildhibaanada kuwaasoo kala ahaa; 

1-Guddiga Amniga 

2-Guddiga Miisaaniyada

 3-Guddiga Gudiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare 

4-Guddiga Xeer hoosaadka Aqalka Sare 

5-Guddiga Sameynta Astaanta Aqalka Sare.

Guddiyadan ayaa laga codsady inay dhakhso bilaabaan shaqada loo igmaday si Xildhibaanadu u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha Sanet  ayaa ansixiyey  Xildhibaan Cabdikaafi Macallin Xasan Xildhibaan Fartuun Cabdiqaadir Faarax ay noqdaan  Hab-dhawrayaasha Aqalka Sare.

Waa kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii ay dhacday doorashadii Madaxweynaha Somalia dhowr todobaad kahor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM