Xildhibaanada Aqalka Sare oo Guddiyo ansixiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo ay uga hadlayeen arrimo dhowr ah kusaabsan howl-maalmeedkooda. 

Fadhiga mudanayaasha ayay ku ansixiyeen guddiyo KMG ah oo ka shaqayn doona howlaha Xildhibaanada kuwaasoo kala ahaa; 

1-Guddiga Amniga 

2-Guddiga Miisaaniyada

 3-Guddiga Gudiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare 

4-Guddiga Xeer hoosaadka Aqalka Sare 

5-Guddiga Sameynta Astaanta Aqalka Sare.

Guddiyadan ayaa laga codsady inay dhakhso bilaabaan shaqada loo igmaday si Xildhibaanadu u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha Sanet  ayaa ansixiyey  Xildhibaan Cabdikaafi Macallin Xasan Xildhibaan Fartuun Cabdiqaadir Faarax ay noqdaan  Hab-dhawrayaasha Aqalka Sare.

Waa kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii ay dhacday doorashadii Madaxweynaha Somalia dhowr todobaad kahor.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM