​Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa Galabta oo Axad ah lagu dhaariyay Magaalada Jowhar Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee uu yeelanayo Maamulka Hir-Shabeelle, oo dhismihiisu wali socdo.

Xaflad ka dhacday Hoolka xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, oo uu ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee waqtigiisu dhamaaday Cabdiraxmaan Odawaa ayaa lagu dhaariyay 73 Mudane.

Xildhibaanada la dhaariyay waxaa saddex kamid ah yihiin Haween, halka wali aan la dhaarin 16 mudane, oo Maanta ka maqnaa Madasha dhaarta.

Tirada Guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi, waxaa la sheegayaa inuuu noqon doono 89 Mudane.

Wasiir Odawaa oo xafladda dhaarta ka hadlay, ayaa ka sheegay, in wixii Berri ah ka danbeeya Howsha inta dhiman kala wareegi doonaan Xildhibaanada Cusub oo la filayo in maalmaha soo aadan doortaan Gudoomyahooda.

Waxaa wali jira Beelo aan la qancin, oo ka baxay Shirka Jowhar, kuwaasi oo diidan Tirada Xildhibaanada la siiyay iyo in Jowhar Caasimada Hir-Shabeelle laga dhigay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM