Xildhibaanada Federaalka oo ka horyimid wareejinta Barlamankii hore

Image
Image
Image
Image
Image

Dec 12, 2015 (GO)- Kadib markii maalintii shaley Dec 11,2015 Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale xaruntii hore ee Barlamanka Somalia ku wareejiyey ganacsade ayaa xildhibaanada barlamanka Federaalka kasoo horjeesteen talaabadaan.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maalintii shaley Dec 11, 2015  ku wareejiyey milkiilaha Tv-ga Universal Ex-Barlaman halkaasoo la sheegey in laga dhisi doono goob loo soo dalxiis tago.

Kulan maanta xildhibaanada isugu yimadeen xarunta Barlamanka Federaalka Somalia  magaalada Muqdishu ayey kaga hadleen talaabada u ku wareejiyey gudoomiyaha Banaadir hantida qaranka iyagoo ku tilmaamey iney tahay mid sharci daro ah islamarkaana go'aan deg deg ah kasoo saari doonaan.

Lama oga sababta keentey gudoomiyaha gobolka Banaadir u wareejiyey xaruntaan ka dhaxeysa ummada Somaliyeed ganacsade xilli uu xafiiskaan la wareegey Oct 26,2015.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mungaab ayaa xilkaan laga wareejiyey kadib markii lagu soo eedeyey inuu shaqsiyaad gaar ah ka iibiyey dhismayaashii dowlada Somaliyeed.

Siyaasiyiinta dowlada Federaalka iyo maamulada gobolka Banaadir ayaa caadeystey iney wareejiyaan dhismayaashii dowlada Somaliyeed kuwasoo lagu dhisey tageeradii dhaqaale ee shacabka Somalia la siiyey tan iyo intii xornimada qaadateen.

Isbitaalka Digfeer, Iskuulkii Banaadir, xaruntii farsamada ee politichnico iyo kuwo kale ayaa gabi ahaanba lagu wareejiyey ganacsato iyo siyaasiyiin u dhashey dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM

Fiqi oo Sheegay Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-Shabaab kadib weerarkii Godka Jilicow

Inkasta oo Wasiir Fiqi uu sawiray sawir rajo leh, haddana mucaaradka siyaasadeed ayaa hakiyay dibadbax ay qorsheynayeen.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 06:11AM