​Xildhibaanadii ugu dambeeyay Aqalka Sare oo la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu doortay Labadii Xildhibaan ugu dambeeyay Aqalka Sare Somalia kuwaasoo kaga soo biiray dhinaca Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Kursigii ugu horeeyay ayaa waxaa kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdulaahi oo helay 23 cod kadib doorasho maanta ka dhacday caasumadda Somalia.

Booska labaad oo ahaa kursiga ugu dambeeya, waxaa kusoo baxay Saciid Cabdi Xuseen ka dib markii ay tanaasushay Maryan Axmed Xuseen oo kursigaasi kula tartameysay.

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi ayaa natiijada ku dhawaaqay, waxayna sheegeen in labaada qof ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee gobolladaas matala.

Xubnaha aqalka Sare ayaa lasoo afmeeray, waxaana labadaas kursi ahaayeen kuwii ugu dambeeyay oo lagusoo xulo Muqdishu xilli maalinta barri ah la dooranayo Madaxweynaha Somalia.

Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 mudane, waxayna wax ka dooran doonaan Madaxweynaha Somalia ee loo ballansanyahay barri.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa dhammaantood waxaa lagu doortay Magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM