Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Gollaha Shacabka oo la doortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Xildhibaan ayaa Maanta lagu doortay Muqdisho, iyagoo noqday kuwii ugu horeeyay oo loo doortay Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka 11aad.

Mahdi Guuleed, oo ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku guuleystay kursiga ugu horeeya, isagoo helay codad badan oo gaaraya 97, halka Gabar la tartamaysay oo lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim oo heshay 3 cod.

Kursiga 2aad waxaa kusoo baxay Biixi Iimaan Cige, oo horey Xildhibaan u ahaa, waxaana uu helay wareegga 1aad 91 cod, halka ninkii la tartamayay C/raxmaan Xasan Ismaaciil, oo helay 9 cod.

Min hal cod ayaa hallaabey labada kursiga doorashadooda, waxaana halkaasi lagu soo gaba-gabeeyay doorashadii Maanta ka dhacaysay Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye, ee magaaladda Muqdisho.

Doorashadda maanta dhacday ayaa daah-fur u ah codeynta Kuraasta Gollaha Shacabka oo mudo saddex jeer ah dib u dhacday, waxaana wali jira caqabado maamulada qaar ay qabaan, sida HirShabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM