Xildhibaano ka soo horjeestay mooshinka la laalay [Dhagayso]

Image

26 September, 2015(GO)-Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia ayaa ka soo horjeestay qoraal ka soo baxay guddoonka oo lagu sheegay in la tuuray mooshin dhawaan laga keenay madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ka mid ah mudanayaasha horkacaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, ayaa tilmaamay in aysan ka noqon doonin mowqifkooda. 

Barre oo la hadlay BBC-da aya sidoo kale xusay inuusan micno ku fadhin qoraalka ka soo baxay guddoonka Barlamanka Somalia, waxaa uuna xusay in arrintani tahay masiirka umadda Somaliyeed.

Mooshinka ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid aan la tuuri karin, waxaana uu diiday baaq ka soo  baxay guddoonka oo sheegay in 7-da bisha soo socota la isugu yimaado wada-hadal.

Arrinta laalista Mooshinkan, waxaa dabada ka riixaya Xasan Sheekh, iyo xubno ka tirsan golihiisa wasaariadda, waxayna u muuqata mid keeni karta khilaaf hor leh oo sababi karta kala fogaanshahay xildhibaanada kala aragtida duwan, maadamaa kuwa mooshinka ka keenay madaxweynaha ogolaadeen in lagu dhammeeyo wada-hadal.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Somalia ayaa  13 August , 2015 guddoonka golaha u gudbiyey mooshin ah in xilka laga qaado madaxweyne Xassan Shiikh, iyagoo ku soo eedeeyay  xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada dalka "Khiyaano Qaran" iyo jabinta qodobo ka mid Dastuurka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM