Xildhibaano ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar

Image
Mid kamid ah sharci-dejiyeyaasha ayaa si weyn looga dayrinayaan xaaladiisa caafimaad.

JOWHAR, HirShabelle - Warar aan ka heleyno magalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay weerar bambaamo ah lagu qaaday guri ay ku shirayeen tirro xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.

Guriga wuxuu ku yaala xaafad amnigeeda aad loo arkeeyo. Ilaa sadex xildhibaan ayaa dhawaac culus kasoo gaaray weerarkaas ayagoo loola cararay isbitaalka weyn degmada Jowhar.

Weerarka kadib khadar daqiiqado ah ayaa magalada waxaa si xoog ah looga maqlayay dhawaqa rasaas. Ciidanka ammaanka waxay kadib sameeyeen howlgal lagu goobayo dambiileyaasha.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in magacyadda mudaneyaasha ay kala yihiin; Dubane Faarax Cali, Aadan Maxamed Muuse, iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore

Maxmuud Wabar Xasan, oo ah mudane ka tirsan xeer-dejnta dowlad goboleedkaas, ayaa tibaaxay in mid kamid ah sharci-dejiyeyaasha uu dhaawaciisu culus yahay una baahan yahay daryeel xoogan.

Aaga weerarka ka dhacay ayaa ah goob ay degan yihiin musharaxiinta u taagan xubinimada Aqalka Sare baarlamaanka federaalka 11aad ee meteleysa HirShabelle 4-ta sano ee nagu soo beegan.

"Amniga magaalada wuu wanaagsan yahay waxaana rajayneynaa in dhacdadan aysan saameyn ku yeelan doorashadda xubnaha Aqalka Sare," ayuu yiri Xasan, oo ah afhayeenka guddiga doorashada.

Al-Shabaab ayaa aalaaba looga bartey dhacdooyinka noocaan ah. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo kooxda soo marsiisay warbaahinta ku hadasha afkeeda ee dhanka internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM