Xildhibaano Mooshin ka Gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

Image

MUQDISHO- Xildhibaano saaka aroortii ku qabtey warsaxafeed magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in  mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya u dhibeen Ku xigeenadiisa.

Xubnahaan ayaa Gudoomiyaha aqalka ku eedeynaya xil gudasho la’aan iyo inuu u qaatey aqalka wakiilada Soomaaliya oo loo doortey labo jeer mid isagu si gaar ah u leeyahay.

Xildhibanadaan oo uu hogaaminayey Cabdulahi Shiikh Ismaaciil ayaa xusey in mooshinkaan ay gudbiyeen 108 mundane iyagoo rajeynaya in intaas ka badan yihiin.

Mudanyaashaan ayaa ka codsadey Xildhibaanada kale iney ku soo biiraan mooshinkaan oo ay yiraahdeen waa mid lagu badbaadinayo Golahaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey Halkaan Ka akhri  iney jiraan Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo ku eedeynaya arimo kala duwan.

Afhayeenka iyo ku xigeenadiisa waxaa Xildhibanada aqalka Hoose xilka kaga qaadi karaan codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka.

 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM