Xiliga la qabanayo doorashooyinka Somaliland oo lagu dhawaqey

Image

HARGEYSA 21 April,2015 (GO)- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdulqaadir Imaan ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtey xaafiskiisa magaalada Hargeysa ku shaaciyey waqtiga la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo aqalka wakiillada  oo ah June 1, 2016. 

Doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka wakiilada Somaliland ayaa horay qorshuhu u ahaa iney dhacaan June 1, 2015.

Labada xisbi ee mucaaradka ah Wadani iyo Ucid ayaa soo dhoweeyey dib u dhaca ku yimid doorashada, waxayse ka digeen in dowladdu waqtiga sii dheeraysato.

Somaliland oo doorashooyin horey uga dhaceen ayaa inta badan dib u dhac ku yimaada waqtiga shacabka u dareerayo codbixinta, dib u dhacaas oo inta badan ay sababto xukuumadda markaas talada haysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM