​Xisaabiyihii Guud Qaranka oo xilka laga qaadey [COD]

Image

MUQDISHO, Somaliya - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somaliya, ayaa maanta xilkii ka qaadey Xisaabiyihii Guud ee dalka, Axmed Yuusuf Siraaji, kadib Kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Golluhu wuxuu u magacaabay xilkaasi Faadumo Cismaan Faarax, oo magacaabisteeda soo jeediyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle. 

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Shirkii Guud ee QM, oo Somaliya uga qeyb-galay mudane Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii QM ee uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay in caalamka uu hadda u heelan yahay inay wax u qabtaan Somaliya.

Gollaha Wasiirada Xukuumadda waxay sidoo kale intii uu socday kulankooda ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda Somaliya laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro dhaqaale uu u gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM