Xldhibaano digniin u jeediyey Ra'isal wasaraha dowlada Somalia

Image

MUQDISHU Jan 26, 2015 [GO]- Xildhibaano sheegey iney tiradooda gaareyso 150 ayaa warsaxafdeed kasoo saarey mowqifkooda ku aadan xukuumadda cusub oo dhowaan la filayo in Ra'isla wasaaraha dowlada Federaalka soo magacaabo.

Warsafadeedkaan oo uu akhriyey Bishaar Ugaas Ibraahim ayaa sheegey in Labo Kudladood ee ka tirsan Barlamanka ku midoobeen mowqifkooda ku aadan ansaxinta xukuumada la filayo in dhowaan la magacaabo.

Bishaar Ibraahim ayaa sheegey in xildhibaanadaan is badalin mowqifkooda ku aadan in aan golaha wasiirada cusub aan lagu soo dari karin Afar xubnood ay horey u diideen.

Xubnaha xildhibaanadaan ka digayaan in aan lagu soo dari karin golaha wasiirada ee cusub ayaa waxay kala yihiin; Cabdikariim Xuseen Guuleed, Farax Shiikh Axmad Maxamad, Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdulahi Maxamad Cali ( Sanbalooshe).

"Ra'isal wasaraha waxaa loogu baqaayaa inuu golihiisa wasaiirada kasoo xusho aqoonyahanada Somalida, oo aan shaqo ku laheyn Madaxtoyada magaalada Muqdisho, hadii uu doonayo inuu ka gudbo caqabadaha ka haysta Barlamanka." ayuu yiri Bashaar isaga oo la hadlaya saxaafada.

Labadaan Kudlo oo ka tirsan Barlamanka Somalia ayaa waxaey la kala baxeen magacyada kala ah; Badbaado Qaran iyo Toosinta Talada Qaranka kuwaasoo sheegey iney ka kooban yihiin 150 xildhibaan.

Xildhibanadaan la baxey magacyadaan ayaa jirin magac ay ku midoobeen balse sheegey iney wadaqabaan fikirka ah diidamada Afartaan xubnood oo horey uga tirsanaa golihii wasiirada ee dib ula noqdey Ra'isal wasaaraha Somalia.

Warar laga helayo Villa Somalia ayaa sheegeya in dhowan la filayo in Ra'isal wasaraha Somalia ku dhawaqi doono magacyada golaha wasiirada ee cusub. 

Golaha wasiirada ee cusub ayaa warar hordhac sheegayaan in magacaabistooda dib u dhacdey muddo 24 saac kadib markii warsaxafadeedkaan soo saareen 150  xildhibaan oo ku mideysan mowqifkaan.

Liiska golaha wasiirada ee cusub ayaa Garowe Online fahansan yahay iney xubno kaga jiraan Afrta xubnood oo ay diidan yihiin xildhibanadaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM