XOG: Khilaafka ansaxinta heshiisyada doorashada Somaliya oo weli taagan

Image

MUQDISHU, Somaiya- Wararka laga helayo kulamo 24kii saac ee lasoo dhaafey Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Ra'isal wasaaraha Somaliya la qaateen guddi BFS u xilsaarey dib eegista heshiiska doorasho ee Somaliya ayaa waxay ku soo dhamaadeen guuldaro.

Kulan xaley gaarey galinkii dambe kaasoo ka socdey halka la yiraahdo Villa Hargeysa ee xarunta madaxtooyada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan in aan la isku afgran waayey qodobadii laga wada hadlayey kuwasoo ugu muhiimsanaayeen aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia [ BFS].

Xubnaha gudigaan ayaa qaarkood ku doodayaan in aqalka sare ee Barlamanka meesha laga saaro hadii kale xubnaha uu ka kooban yahay la kordhiyo oo lagu daro xildhibaano ka socda gobolka Banaadir. 

" Wadahadalkan ayaa inta uu socdey xubnaha gudiigaan waxay Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar ka dalbadeen in heshiiskaan gaar ahaan aqalka sare dib ugala noqdaan madaxda maamulada taasoo lagu darayo xubnaha aqalka sare 8 xildhibaan oo matali doona gobolka   Banaadir." Sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan guddigaan oo magaciisa diidey in aan xusno waqtigaan.

Qodobka kale ee laga wadahadlayey ayaa ahaa tirada dadka ee dooranaysa xildhibaanada aqalka Hoose taasoo guddigaan damcey iney ka dhigaan 31 qof balse markii dambe la isla gartey in tirada 51 xubnood laga dhigo halkii ay ka aheyd 50.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in iyadoo khilaafka aqalka sare  jiro weli maalinta Arbacada ee berri 18 May, 2016 gudigaan u gudbin doonaan Barlamanka Federaalka ah in uu cod u qaado heshiiskaan.

Barlamanka ayaa ku qaybsami doona cod biixntaan sida ay odarasayaan qaar ka tirsan xildhibanada oo la hadlay GO iyadoo ay jiraan warar sheegaya in suurtagal tahay in aqalabiyadu u badato in tirada aqalka sare ee Barlamanka Somaliya la kordhiyo taasoo adkeyneysa ku dhaqanka heshiiskaan. 

Dhinaca kale magaalada Muqdishu ayaa Khamiista 19 May, 2016 waxaa ku soo wajahan xubno ka socda golaha amaanka [QM] kuwasoo kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dowlada Somaliya, madaxweynayaasha maamulada Somaliya iyo qaar ka tirsan xildhibanada.

Booqashada golaha amaanka ayaa wararku sheegayaan iney salka ku hayso sidii dhinacyada kala duwan ee siyaasada Somaliya loogu gudbin lahaa fariin ah in waqtiga doorashada la qabanayo aan la kordhin karin iyo in lagu dhaqmo heshiisyadii la isla gaarey kuwasoo tilmaamayey qaabka loo soo xulan doono xubnaha Barlamanada Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM