​Akhriso: Waqtiga doorashada Madaxweynaha Somalia oo la mudeeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulamo kala duwan ayaa u socday guddiga loo xilsaaray qaban qaabada doorashada Madaxweyanaha Somalia, waxaana goordhaweyd lagu dhawaaqay waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono doorashada Madaxweynaha Somalia iyo tallaabooyinka ka horeeya ee ay mari doonaan, sida lagu cadeeyay waraaq kasoo baxday guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Waraaq kasoo baxday guddiga oo uu helay Warsidaha GO, ayaa lagu sheegay in diiwaangalinta murashaxiinta Madaxweynaha ay dhici doonto inta u dhaxaysa 26 iyo 29 January, 2017.

Guddiga ayaa sidoo kale isku raacay in 31 January, 2017 laga dhigo waqtiga ay dhacayso dooda murashaxiinta kusoo bandhigayaan ajandayaashooda siyaasadeed kuwaasoo mudanayaasha Barlamanka labada aqal isku raaceen shalay in kusoo gudbiyaan qaab warbaahineed.

2-5 Febreuary, ayaa laga dhigay waqtiga ay murashaxiintu hortagi doonaan xarunta golaha shacabka oo ay ka jeedin doonaan khudbado ku aadan taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan hadii loo doorto xafiiska.

Qoraal ayaa sidoo kale lagu xusay in doorashada Madaxweynaha Somalia dhacdo 08 February, 2017 sida lagu muujiyay warqadda kasoo baxday guddiga doorashada.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli caasumadda Somalia oo amnigeedu uusan hagaagsanayan ka socoto tartanka loogu jiro kursiga Madaxweynaha, waxaana jira dadaallo murashaxiin gaaraya 20 ay ku doonayaan inay hantiyaan booskaas iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaya siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo guddoonka golaha shacabka.

Lama saadaalin karo cidda kusoo bixi doonta booskaas, balse shacabka Somaliyeed ayaa qaba in dalka ka dhaco isbadal siyaasadeed maadaama madaxdii hogaanka haysay 4-tii sano ee lasoo dhaafay ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamka iyo gaarsiinta Somalia doorasho cod iyo qof ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM