​Xoghayaha Arrimaha Dibadda Birtain oo Muqtisho tagay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond, ayaa maanta soo gaaray magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya, wuxuuna kulan gaar ah la qaatay  madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda waddanka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ku dhintay weerarkii Ambasador, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo dib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalinta barri ah la filayo in magalada Muqdishu soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan kaasoo furi doona safarad ay ka dhisteen caasumadda dalka Soomaliya

GAROWEONLINE

Related Articles