Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo Booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Booqashada Boris Johnson oo ahayd mid qarsoodi ah, oo aan horey loo shaacin ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Bisha May lagu wado in London lagu qabto shir looga hadlayo arrimaha dalka.

Johnson ayaa Kulan la qaatey Madaxda sare ee dowladda Somalia, waxayna kawada hadleen arrimaha abaarta iyo amniga, oo ah labada caqabadood ee ugu waaweyn ee waddanku xilligan wajahayo.

Wararka ayaa sheegaya in Boris Johnson uu arrimaha ugu weyn ee Socdaalkiisa ku qotantay Shirka London, ee looga hadli doono xaaladda Somalia islamarkaana lacag loogu aruurin doono.

Shirka London, oo dowladda UK ay qaban-qaabisay ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doono Dowladaha Deeqaha Bixiya, Hay'addo caalami ah iyo Madaxweynaha Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo

Bishii lasoo dhaafay, dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay Somalia ugu deeqday lacag dhan £100 million, oo wax looga qabanayo abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM