Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo Booqasho qarsoodi ah ku yimid Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Booqashada Boris Johnson oo ahayd mid qarsoodi ah, oo aan horey loo shaacin ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Bisha May lagu wado in London lagu qabto shir looga hadlayo arrimaha dalka.

Johnson ayaa Kulan la qaatey Madaxda sare ee dowladda Somalia, waxayna kawada hadleen arrimaha abaarta iyo amniga, oo ah labada caqabadood ee ugu waaweyn ee waddanku xilligan wajahayo.

Wararka ayaa sheegaya in Boris Johnson uu arrimaha ugu weyn ee Socdaalkiisa ku qotantay Shirka London, ee looga hadli doono xaaladda Somalia islamarkaana lacag loogu aruurin doono.

Shirka London, oo dowladda UK ay qaban-qaabisay ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doono Dowladaha Deeqaha Bixiya, Hay'addo caalami ah iyo Madaxweynaha Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo

Bishii lasoo dhaafay, dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay Somalia ugu deeqday lacag dhan £100 million, oo wax looga qabanayo abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM