​Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Farmaajo oo Taleefon kuwada hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waddanka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo xoghaya arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, ayaa khadka taleefonka kuwada xariiray iyagoo kawada hadlay arrimaha Somalia.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykana, labada mas'uul ayaa isla soo qaaday qodobo ay kamidyihiin, Argagixisada, Amniga iyo hormarka.

Rex Tillerson, ayaa xaqiijiyay inuu jiro xiriirka labada dhinac, wuxuuna sheegay in xukuumadda Washingto ay taageerayso dowladda Somalia, islamarkaana ka saacidi doonto dhinaca amniga iyo kasoo kabashada colaadihii lasoo maray.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qiray in dowladda Somalia ka go'antahay sidii loo sugi lahaa amniga islamarkaana diiradda loo saari lahaa soo afjarista Al Shabaab si looga fogaado Khatar ka timaada Xagjiriinta.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada, waxaana doonaynaa inaan dardargelino dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maraykanka ayaa kamid ah waddamada si tooska ah ugu lug leh dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isagoo duqaymo ka gaystay Koonfurta Somalia gaar ahaan Saldhigyo kooxdaas ku tababarato.

USA, ayaa sidoo kale ciidamo ka joogaan Somalia, kuwaaso gacan siiya Kumaandoosta dalka iyagoo loo diyaariyo dagaallada ka dhanka ah ururka calaaqaadka la leh Al Qacida.

Xiriirkan ayaase kusoo aadaya xilli Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo doonayso in amniga gacanta u galiso ciidamo Somalia ah islamarkaana laga maarmo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM