Xoghayaha Gashandhiga Kenya oo ka hadashey Somalia

Image

Xoghayaha Gaashaandhigga Kenya, Raychelle Omamo ayaa wareysi ay siisay BBC mar ay maanta soo booqatay Istuudiyaha London waxay kaga hadashay hawlgalka ciidankeeda ee Soomaaliya iyo suaalo kale oo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.

Wareysiga oo Af-ingiriisi ahaa ayaa lagu weydiiyay su'aal ku saabsaneyd waxa ay ka leedahay dalabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee inay ciidankooda Soomaaliya kala baxaan – waxay ku jawaabtay.

“Kenya waxay qayb ka tahay AMISOM - waxaanan ku shaqeynaaa tilmaamooyinka AMISOM iyo aragtida hawlgalka AMISOM. Soomaaliya iskama joogno uun, waxaan halkaas u joognaa Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka oo taageereya dadaalkeena ku wajahan dejinta dalka. Waan garawsanahay waxa la sheegay ee ay siyaasiyiintu ay yiraahdeen. Siyaasiyiintu wax badan ayay yiraahdaan - laakiin waxaan u malaynayaa in ay tahay mid adag sidii looga bixi lahaa xaalad cakiran oo aan degeneyn sida tan Soomaaliya.

Wareysi: Halkan ka dhageyso

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM