Xoghaye Gutters oo booqasho ku tagay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia– Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Maanta Booqasho ku tagay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kadib markii uu xarunta dalka Somalia ee Muqdishu kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Gutters ee magaalada Baydhabo ayaa la xariirta xaaladda u kuurgalidda abaaraha ka jira Somalia gaar ahaan xanuunada iyo dhibka ka taagan gobolka Baay.

Xoghayaha ayaa aqbalay codsi uu usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo oo ku aadanaa inuu booqdo gobolkaas oo la sheegay in dad badan u geeriyoodeen dhibka abaartu keentay.

Socdaalkan oo ay ku weheliyaan xubno katirsan dowladda Somalia, ayaa waxaa magaalada Baydhabo soo dhaweyn ugu sameeyay maamulka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Antonio Guterres ayaa maanta mar uu ka hadlayay magaalada Muqdishu, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Lixda bilood ee soo socoto lacag dhan $825 million oo wax looga qabto abaarta Somalia, oo saamaysay dad gaarayo 6.2 Million oo qof.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee ku tago gobolka iyo guud ahaan Somalia tan iyo markii xilkan uu kala Wareegay Ban Ki Moon Sannadkii hore dhammadkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM