​Xubin kamid ah Guddiga taakulaynta Ciidamada Somalia oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Mid kamid ah xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay taakulaynta ciidamada dalka ayaa maana ku dhawaaqay inuu iska casilay booskaas.

Maxamed Yuusuf Tigay oo ah samafale aad looga yaqaan deegaanada Soomaalida islamarkaana dhawaan Madaxweyne Farmaajo kusoo daray guddigaas ayaa shaaciyay inuu ka baxay xubnahaas.

Isagoo ka hadlayay sababta uu isku casilay Tigay ayaa tilmaamay inay la xariirto isku dheeli tirnaan guddiga dhexdiisa ah iyo sidoo kale madax bannaani la'aan.

“Waxaan iska casilay xubinamii Guddiga Taakulaynta iyo wacyigainta Galinta ciidanka Qaranka. Markaan arkay Madaxbanaani la,aanta, isku dheeli tirnaan la,aanta iyo ixtiraam la'aan,” Ayuu yiri Tigay oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Jully ku dhawaaqay guddigan oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood, waxaana waqtigii la aas-aasay kadib iscasilay General Jaamac Maxamed Qaalib.

Hadda waxaa Guddoomiye u ah General Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Shalay ayay ahayd markii Guddigan uu la kulmay Ra'isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia.

Lama oga waxaa maalin kadib kulankaas kusoo beegay inuu is-casilo Tigay oo dabayaaqadii bishii hore ka tagay magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM