Xubno Al-Shabaab oo haweenay ku jirto oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah soo gabagabeysay gal-dacwadeed ka dhan ah saddex eedeysane oo lala xiriiriyey maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

"Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud ayaa loo xiray July 19-keedii la shaqeynta AlShabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah ee kooxdu ku wax yeeleyso dadka Soomaaliyeed," ayay maxkamadu ku tiri qoraal.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Deeqo oo 2016-kii Al-Shabaab kaga biirtey gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mushaharkeedu ahaa $150 bishiiba waxayna shaqadaas inta ugu badan qaban jirtay bisha Ramadaanka.

"2016 ilaa July Sanadkan waxa ay marti gelisay Nimankii ugu badnaa ee AlShabaab u fulinayay howlahooda Gurracan mana jirin mid kamid ah oo xarig Alle kula joogay Guriga ay Argagixisada ugu kireysay Fulinta danahooda," ayay xeerbeegtadu ku dartay war-saxaafadeedka.

Cabdikariim iyo Maxamed Siid oo dhankooda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku biiray 2016-kii ayaa, sidda ku cad shaacinta maxkamadda ciidamadda Soomaaliya, shaqadoodu ahayd sameynta qaraxyadda.

"Labada Eedeysane oo ku dhaawacmay Qarax uu aasayay dhagar qabe kale oo iyaga la socday July 2020 degmada Yaaqshiid gaar ahaan SOS ayay Ciidama Amniga ku soo qabteen, waxa ayna sahashay Farsamada kale ee dhalisay in la soo Gacan geliyo Deeqo Maxamed oo u aheyd Horjooge u sameysan Hooyanimo & Oori," ayay maxkamadda ku dartey qoraalka ay soo saartey.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sedaxdan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida".

Xukumaneyaasha ayaa haysta muddo ku suntay 30-casho oo ah fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan go'aanka maxkamadda kaasoo lagu faafiyey baraha internet-ka ee dowladda taageera iyo mareega xeer-beegtadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Intee la egyahay Khasaaraha Ciidanka DFS kasoo gaarey dagaalka Sabiid iyo Caanoole?

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgallo daba-gal ah ay weli socdaan si loo soo qabto dagaalyahanada Al-Shabaab ee kale.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 06:37AM

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM