Xubno ka tirsan Al-shabaab oo degmada Ceelbuur lagu qabtey

Image

March 4, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Galguduud ayaa qabtey saddex qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda ee Galguduud Col. Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in saddexda qof lagu soo qabtey hawlgal laga sameeyey gudaha degmada Ceel-buur.

Taliyuhu ma xusin in xubnaha la qabtey qaar saraakiil ahi ku jiraan balse wuxuu sheegay in xilligan baaritaan lagu wado dhowaanna magaalada Muqdisho loo gudbin doono.

Ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo ku sugan ayaa horay u qabtey xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood saraakiil ahaayeen.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo xilal sare kasoo qabtey Al-shabab ayaa kamid ah xubnaha ciidamada dowladdu gobolka Gedo ku qabteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM