Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 7-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalana ay dhaawaceen, kadib howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ku xeeran magaalooyinka Awdheegle iyo Qoryooley.

“Milateriga Soomaaliya ayaa gobolka ka sameeyay howlgallo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab. Ciidamadu waxa ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 7 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo iska caabiyay in ay isa soo dhiibaan oo ay hubkooda dhigaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shan maalmood ka hor ay Ciidamadu sheegeen inay dileen 28 ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalena ay ku dhaawaceen howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM