Xubno katirsan Al shabaab oo lagu diley weerar ka dhacay Gedo

Image

BURDHUBO, Somaaliya - Xubno katirsan Al shabaab, oo ay kamid yihiin Saraakiil sare, ayaa lagu dilay howlgal military oo Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ka fuliyeen gobolka Gedo.

Korneel Cabdiraxmaan Ibraahim, oo ah Taliyaha Guutada 48-aad, ee Ciidamada Xoogga dalka, ayaa xaqiijiyay in 9 dagaalyahan, oo 3 ay hogaamiyaal yihiin in lagu dilay weerarka, oo ka dhacay deegaanka Qoondhood, oo 40Km u jira magaalada Buurdhuubo.

Wuxuu sheegay in hub badan ay kasoo furteen Al shabaab, islamarkaana ay qaar badan nolosha kusoo qabteen kuwaasi oo ay keeneen degmada Buurdhuubo, oo Su'aalo lagu waydiinayo.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, oo ay uga hortagayeen weerarka Al shabaab ku maleegaysay Deegaanka Qoondhood, kaasi la qorsheynayay in lagu qaado saldhigyada Ciidamada ee degmada Buurdhuubo iyo deegaanada ku dhaw.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha la sheegay in dagaalyahanadeeda lagu gaarsiiyay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen khasaarooyin lixaad ah, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM