Xubno katirsan Dharcadka NISA oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubaysan ayaa maanta barqadii agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi ku dilay Afar askari oo katirsanaa Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Dharcadka.

Afarta NISA katirsan ee la dilay waxaa ku jirtay Gabar, sida ay dadka goobjooga u ahaa falka u sheegeen Garowe Online. Waxaa jira qof kale oo lagu dhaawacay weerarka gaadmada ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka xubnaha Sirdoonka NISA, oo mudooyinkii dambe aad loogu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho, iyagoo dharcad ah, oo koox kooxo u socda.

Taliska NISA wax war ah kama soo saarin dilkan, oo imaanaya xili qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray ay hoos u dhaceeen mudooyinkii dambe, iyadoo Al-Shabaab u bedeshay weeraradeeda ku dhufo ka dhaqaaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM