​Xubno katirsan Shabaab oo lagu dilay Qoryoley

Image

QORYOLEY, Somalia- Xubno katirsanaa Al Shabaab aya alagu dilay Dagaalka xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 120KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan Muqdishu.

Cabdi Maxa'ed, oo ah Sarkaal katirsan mlitariga Somalia ayaa GO u xaqiijiyay inay dileen afar xubnood oo kamid ahaa Dagaalyano Al shabaab ah oo soo weeraray degmada Xalay.

Wuxuu sheegay Sarkaalkaasi in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay iska-caabiyeen weerarka, sidoo kalena ay Hub badan oo isagu jiro AK-47 iyo Gantaalada garbaha laga tuuro.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa Guul ka sheegatay Dagaalka Qoryooley, oo ay tilmaamtay inay ku dishay Cali Nuune, oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada.

Ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha SNA kama aysan hadlin dilka ay sheegteen Al shabaab inay u geesteen Nuune.

Si kastaba, Xaaladda Qoryooley, ayaa caadi kusoo laabatay saakay kadib dagaalkii xalay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada fuliyeen howlgallo dad lagu qabtay.

Degmada Qoryoley, oo sanadkii 2014 gashay gacanta dowladda Somalia ayaa waxaa ka dhacayay mudooyinkii dambe dilal iyo weeraro ay geysanayeen rag katirsan Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM